Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee Xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax lagula beegsaday ciidamada Itoobiya oo duulaan ku joogo magaladaasi.

Sida aan xogta ku helnay Kolonyo ciidamo ah oo miino dhulka lagu aasay ayaa hal mar kula kacay kolonyo ay la socdeen ciidamada Itoobiya, islamarkaana gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiya ayaa burbur xoogan gaaray.

Weli lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa lakiin Al- Shabaab ayaa sheegtay Masuuliyada weerarka waxayna sheegeen inay ku dileen labo katirsan ciidanka Itoobiya, halka afar kale ku dhaawacmeen.

Magaalada Garbaharey waxay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Saldhig weyn, waxaana u joogo kumanaan Askar katirsan Militariga Itoobiya. Qaraxa maanta ka dhacay Garbahaarey wuxuu ku beegan yahay xili ay ciidamada Itoobiya kusoo qul qulayaan gobolkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.