Wararka nagasoo gadhaay gobolka Libaan ayaa sheegaya inay ciidamada Gumaysiga itoobiya ay dad shacab ah Kuxasuuqeen duleedka degmada Dheeka Sufti ee gobalkaasii.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta ka howlgala gobolka Libaan ee dhulka Somali Galbeed (Ogadeniya), Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa xalay degmada Dheeka Sufti ee gobolka Libaan Ku dilay 7 qof oo Somali ah kadib markeey ka daba birmadeen dableey hubeysan oo kasoo jeedo Qomiyada Oromada oo soo weerartay dad Somaliyed laaysay xoola badanna la baxsatay.

Ciidamada Itoobiya halki la rabay inuu xoolaha la doono Somalida oo la soo dhiciyo ayuu Somalidi xabbad ku furay, halkaana ku dilay 7qof oo rayid ah.

Inta badan Ciidamada Itoobiya ee ka howlgalla gudaha Somali Galbeed (Ogadeniya) ayaa dhibaatooyin ka dhan ah Aadanaha u geysta shacabka , kuwaas oo isugu jira dil iyo dhaawac intaba.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.