Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in deegaanka Ceelwaaq katirsan konfuurta Soomaaliya ay ku dileen Macalin Dugsi Qur’aan iyo laba Arday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Macalinka oo ku sugan goobtiisa Dugsiga ay u yimaadeen Ciidamo ka tirsan Militariga Kenya, kadibna ay jirdileen.

Intaasi kadib Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in rasaas ay la dhaceen Macalinka Dugsiga iyo labada Arday.

Macalimka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saadaam Macalim Aweys, halka labada wiil ee lala dilay oo walaalo ahaa lagu kala magacaabi jiray Cali Ibraahim Xasan iyo Siyaad Ibraahim Xasan.

Dadka deegaanka ayaa si wayn uga argagaxay falkan dilka ah ee dhacay, waxaana la sheegay Meydadka Macalinka iyo labadii arday in loo soo qaaday dhanka Ceelwaaq Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa xilliyada qaar tacadiga noocaan oo kale ah waxa ay ka gaystaan deegaanada Koonfurta Soomaaliya iyo dhulka ku xeeran xuduuda.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.