Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo shalay Ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka lagula eegtay gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka aaso ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ka tirsan Ciidamada Mareykanka, xilli ay marayeen duleedka Magalaada Kismaayo ee gobolkaasi.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa barahooda Internet-ka ku baahisay shabakada ay leyihiin loo yaqaano Somali Memo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin dheeri ah ka bixiyaan qaraxaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada Ciidamada Shisheeyaha oo kusugaan Koonfurta iyo Bartaamaha Soomaaliya.

Halgan Media.