Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga waxaa maanta ka degay ciidamo ka tirsan Jabhadda ONLF, kuwaasi oo kasoo kicitamay xarunta Eritrea ee Asmara, halkaasi oo ay muddo u ahayd xarun.

Xubnaha dib ugu laabtay gudaha Ogadenia oo dareenkooda ka hadlay ayaa muujiyay farxad, iyaga oo tilmaamay in isbedalka uu horseeday inay dib u arkaan eheladooda oo ay muddo moogeen.

Shacab badan oo soo dhawaynta ciidamada ONLF ka qaybqaadanayay oo dhankooda dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa laga dheehan karay inay uriyaaqeen isbedalka sida xowliga ah ku socda.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.