Dab xoogan oo ka kacay suuq weyn ee magaalada Qabribayax ee gobolka Fafaan, wuxuuna geystay khasaare hantiyadeed oo aad u badan.

Intii dabkan uu socday waxaa ku gubtay goobo badan oo ganacsi ayadoo weli aan la xaqiijinin sababta dhabta ah ee dhalisay dabkaasi.

Ganacsatadii goobohoodii ganacsi dabkan uu ka kacay ayaa la soo gudboonaatay walwal iyo murugo ku aadan khasaaraha ka soo gaadhay halkaasi.

Goor dambe ayaa lagu guuleystay in dabkaasi la damiyo kadib markii Gaadiidka Dab damiska iyo dadaweyne aad u farabadan kuwaasi oo iska kaashaday sidii dabkaasi loo demin lahaa ay goobta yimaadeen.

Majiraan khasaare nafeed oo laga soo sheegayo in uu dhaliyay dabkan, marka laga sootago khasaare hantiyeed oo xoogan, sida ay sheegayaan ganacsatada suuqaasi ganacsiga ku lahayd.

Halgan Media.