Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow shaacisay in 9 ruux oo qabay Cudurka Coronavirus ay xalay ku geeriyoodeen Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa tacsi loogu diray dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen 9-kii Bukaan ee xalay Cudurka ugu geeriyooday Isbitaalka.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Bukaanadan iyaga oo garaab ah laga keenay isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxaa maamulada Isbitaalada Caasimadda looga digay in Bukaanada leh Astaamaha Saf-marka COVID-19 in aysan ku heyn Isbitaaladooda, isla markaana Maamulada looga baahan yahay inay soo gudbiyaan Bukaanada isla markii ay ku arkayaan Astaamaha Cudurka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.