Dagaal beeleed ayaa lagu soo waramayaa inuu dib uga qarxay qabalaha Qamuda oo hoostaga degmada Yucub ee gobolka Doolo.

Iska hor-imaadka oo udhaxeeya Labo maleyshiyo beeleed ayaa salka ku haya lahaanshiyaha Dhul ay isku haystaan. Laba qof ayaa ku dhawaacmay dagaalka siidi ay sheegan dadka degaanka oo la hadlay Halgan Media.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa tibaaxaya inay socdaal dedaalo la doonayo in xal loogu helo dagaalkaan halkaasi kusoo laab-laabtay.

Xaalada degaanada lagu dagaalamay ayaa haatan dagan, inkastoo weli dhinacyadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay.

Bilooyinka ugu dambeeysy gobolka Doolo waxaa ka taagnaa dagaal Beeleedyo sababay khasaare isagu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.