Wararka ka imaanaya Degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa ku warramaya in halkaasi uu saaka ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Jubaland iyo ururka hubeysan ee xarakada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday, kadib markii Xarakada Al Shabaab ay Subaxnimadii hore ee Saaka weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubaland ay ku leeyihiin Degaanka Baar-sanguuni, sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay Dagaalka, oo mudda saacado ah halkaasi ka socday, iyadoo Jubaland iyo Al Shabaab aysan midkoodna weli ka hadlin khasaaraha Dagaalkaas.

Sidoo kale, waxa adag in warar madax-bannaan laga helo Khasaaraha Dagaalka, maadaama ay adagtahay Isgaarsiinta Degaanka lagu dagaallamay.

Halgan Media.