Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay gudaha magalaada Antaye oo katirsan gobolka Shoa.

Dagaalka oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxa uu u dhexeeyay shacabka magalaada Antaye iyo kuwa jabhadda Oromo Liberation Front (OLF) oo ku xoogan halkaasi.

Waxaana dagaalku uu yimid, kadib markii shacab beeraley ah iyo maleeyshiyaadka katirsan jabhada OLF ay isku dheceen siidi sheegan afaheeynka Mamuulka magalaada Antaye.

Mamuulka magalaada Antaye ayaa Ku eedeyay Jabhada Oromo Liberation Front (OLF) inay ka dambayeen dagaalka maanta ka qarxay magalaada.

Ugu 4 Qof oo shacab ah ayaa la dilay siidi ay sheegen Mamuulka magalaada Antaye kadib markii la’isku aadeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona ciidamada milatariga Itoobiya oo dhaq dhaqaaq xoogan ka waado duleedka magalaada Antaye.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.