Wararka naga soo gaadhaya Ismaamulka Benshangul ee Galbeedka wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya isku dhacyo qabiil oo mudo soo jiitamayay kaas oo sida lasheegayo mar kale dib u qarxay.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa degmada Metekel oo katirsan Ismaamulka Benshangul isku fara saaray laba qoomiyadood oo halkaas wada daga kuwaas oo sanadihii lasoo dhaafayba uu kadhaxeeyay dagaal dhiig badan uu kudaatay isla markaana uu bara-kac aad u baaxad wayn kadhashay.

Ismaamulka Benshangul oo dhaca xuduuda Axmaraada ayaa ah mid ay gacan kuhayntiisa kuloolamayaan qoomiyadaha Gumez iyo Axmaaro, kuwaas oo sida larumaysan yahay xukuumada Itoobiya ay dagaal kooda kadambayso si culayska dhinaca shacabka uga imaanaya uu u yaraado.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee kadhashay dagaalka waxaase larumaysan yahay in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, kufsi iyo bara-kac aad uxoogan oo labada qoomiyadoodba soo gaadhay, waxaana lasheegayaa in uu wali dagaalku siisocdo.

Dagaalada qoomiyadaha ayaa wadanka Itoobiya kanoqday kuwo soolaalaabta, waxaana sanadkan iyo sanadkii tagay dagaalada qabiilka kudhintay kumanaan shacab ah, halka bara-kucuna uu gaadhay meel sare.

Halgan Media.