Wararka laga helayo Gobolka Jarar ayaa sheegaya in Saacadihii la soo dhaafay qarax ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah iyo caruur oo joogo Maqaxi kutaalo degmada Dhagaxmadow ee gobolkaasi.

Ugu yaraan 4 Qof  ayaa ku Geeriyootay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale. Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Halgan Media ayaa sheegay in dadka ku dhawacmaay Qaraxa ay xaaladooda aad u liidato.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhashay walxo qarxo oo ay ku ciyaarayeen Caruurto oo joogo Maqaxida. Mamuulka degmada Dhagaxmadow iyo Mamuulka Somali Galbeed weli kama hadlin Qaraxa oo caawa dhacay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.