Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Wiil Dhalinyaro ah oo Galabta Salaadii Casir kadib lagu dilay Gudaha  Suuqa Weyn ee Bakaaraha degmada Howl-Wadaag ee magalaada Muqdishu.

Dilka ayaa goobjoogayaal waxa ay shegeen in uu si gaar ah uga dhacay qeybta Daawada ee Suuqa Bakaaraha,isla markaana uu ka mid ahaa Dhalinyarada kabaha ku ku iibisa irida hore ee Masaajidka Daawada oo ah meel ay Bulshada aad ugu badantahay.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay ugu tageen goobtiisa Ganacsi ee uu kabaha ku iibinayey,isla markaana dhowr xabadood ay ku dhufteen,xilli uu Salaadii Casir ku soo dukaday Masjidka Daawada ee Suuqa Bakaaraha ka dibna ay baxsadeen.

Sida caadada aheyd Ciidamo ka tirsan kuwa mamuul kusheega Farmaajo ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,waxeyna sameeyeen baaritaano ay dhalinyaro laga shakisanyahay ku soo qabteen,iyaga oo geeyey mid ka mid ah Xarumaha ay ku leeyihiin Suuqa Baakaraha.

Majirto cid weli sheegatay masuuliyada dilkaas iyo sababta loo dilay Wiilkaasi dhalinyarada ahaa ee qeybta Daawa suuqa Bakaaraha kabaha ku iibinayey,waxana uu qeyb ka yahay dilalka mar walba ka dhaca gudaha Magalada Muqdisho.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.