Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday magacyada rag loo heysto in ay ka dambeeyeen dil dhawaan magaaada Addis Ababa loogu geystay Fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hundessa .

Dilka fanaankan loo geystay ayaa gudaha Itoobiya gaar ahaan ismamuulka Oromada degto ka dhaliyay banaan baxyo rabshada wata oo sababay geerida dad ka badan 100-qof ay ku jiraan saraakiil iyo askar katirsan booliska Itoobiya.

Xeer ilaaliyaha federaalka ee Itoobiya Adanech Abeibe ayaa sheegtay in raga lagu magacaabo Tilahun Yami iyo Abdi Alemayehou ay fuliyeen dilka magaalada Addis Ababa loogu geystay Hundessa.

Waxa ay xeer ilaalinta sheegtay in raggan loo heysto dilka fanaanka ay qirteen dambiga ay galeen, raggan dilka loo heysto ayaana la sheegay in ay katirsanaayeen koox la yiraahdo “Shane” oo ka goosatay Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLF.

Rabshadaha ka dhashay dilka Fanaanka ayaa sababay geerida dad badan iyo sidoo kale in la xiro siyaasiyiin iyo hogaamiyaal caan ka ah gudaha Itoobiya uu kamid yahay Jawar Maxamed oo mar saaxiib dhaw la ahaa Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Halgan Media.