Taliska Itoobiya aya sheegay inay bilaabeen in La iibiyo shidaalka Ogadenia, iyaga oo sheegay in lixda bil u dambeysay ay Shidaalka ogadenia ka iibinayeen gudaha Itoobiya.

Waxayna Xukuumada Abiy Axmed sii sheegtay inay soo saareen 1, 650 fuusto shidaal ah, kana samaystay ku dhawaad 56,000 (koonton iyo lix kuun) oo dollar.

Wasiirka macdanta ee Dowladda Federalka Itoobiya, Samuel Urukto ayaa wargeyska Ethiopian Business News u sheegay in ay hada gaba gabo u marayso Tubada isku xidhi laheed goobaha Shidaalka Ogadenia iyo dalka Jabuuti, wuxuuna sheegay in tubada lasoo hirgili doono wakhti aan fogeyn siday ay wararka u dhigeen wargeyska Ethiopian Business News.

Wargeysa ayaa sii sheegay inuu wasiirka macdanta Samuel Urukto u xaqijiyay in Calub iyo Hilala oo katirsan gobolka Shabelle ay yihiin gobaha u muhiimsan hada in laga soo saaro Shidaalka iyo saliida ah, wanaa melaha u horeysay laga bilaabi doono markii tubada la hirgiliyo.

Sidoo kale, wasiirka macdaanta ee Dowlada Federalka ayaa sheegay inay dowlada Itoobiya heshiish la gashay sedax shirkadood oo dalka dibadiisa laga leyahay, Lakiin wuu ka gaabsaday inuu sheego shirkadaha magacooda ama ciida leh

Arimahan cusub oo kusabsaan Shidaalka Ogadenia halisteeda ayey leedahay waayo Taliska Abiy Axmed waxba lama wadaagin Maamulka Jigjiga, iska dhaaf in wax loo sheegay dadka Shacabka Soomaaliyeed ku hoos nool Gumaysiga Itoobiya, waxaana hada cadaatay inuu Abiy Axmed cagta saaray wadada dhiigya cabka Meles Zenawi !!!

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.