Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn [Drone], oo ay leeyihiin militeriga Mareykanka ayaa weerar duqeyn ah ka fulisay degaan ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay AFRICOM.

Howlgalka oo dhacay Khamiistii shalay, August 20 ayaa waxaa lagu dilay hal xubin oo katirsanayda Al-Shabaab, iyadoo lagu bur-buriyay  Xaruun ay Al Shabaab ku leyihiin degaanka Kuntawaraay oo katirsan gobolka Shabellaha Hoose.

Qoraallada kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan wax waxyeelo ah kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan degaanka la duqeeyay. Inat badan war-saxaafadeedyada Militeriga Mareykanka ayaa lagu sheegaa in khasaaro shacab ka dhalay howlgalladooda.

Dawladda Soomaaliya waxay taageero ka heshaa Mareykanka oo Ciidamo ka difaaca Al-Shabaab usoo diray, waxayna waxba kala socon inta badan howgaladda Mareykanka ka fulinayso dalka, oo qaarkood shacab ku dhintaan.

Halgan Media.