Warar hor dhac oo naga soo gaaray gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay ay ciidamada Kenya duqeeymo ka geesteen degaano badan oo katirsan isla gobalkaasi Gedo.

Sida ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah oo ka howlgallo gudaha dalka, ciidamada Kenya ayaa gantaalo ku garaacay illaa 4 deegaan oo kala duwan oo ay kamid tahay degmada Ceel-Cade oo ay maamusho Xarakada Al-Shabaab.

Waxa la sheegay in xoolo badan ay ku dhinteen duqeeynta, ayna jiran dad shacab ah oo ku wax yeeloobey duqeeyntaas, hase yeesheey khasaaraha dhabta ah oo loo geystay dadka rayidka ah duqeeynta dartiis aysan weli cadeeyn.

Halgan Media