Ilo lagu kalsoonyahay oo kamid ah Sirdoonka mamuulka Puntland ayaa Halgan Media uu sheegay inuu maanta Qarax ka dhashay miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lala beegsaday gaari ciidan (Cabdi-bile), kaas oo marayay jidka isku xidho magalaada Boosaaso iyo degaanka Qandala.
Waxaana Qaraxaasi jugtiisa, kadib ay xigtay rasaas sida la sheegay ka kala dhaceysay labo jiho.
ilo ka tirsan sirdoonka Puntland ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan labo askari oo saarnaa gaariga qaraxa lala beegsaday iyo dad shacab ah oo wadada marayay oo aan tiradooda ilaa iyo hadda la cayimin.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka gobolka Bari oo looga hadlay qaraxaasi.
Weerarada ka dhaca Waqooyi Bari ee dalka Soomaaliya waxaa inta badan sheegta Xarakada Al Shabaab iyo ururka hubeysan ee Daacish.
Halgan Media.