Dawladnimadu waxay u baahanatahay Hogaamin ku dhisan cadaalad oo leh Maamul iyo Kala danbayn, xukuumadda deegaanka waxaa laga rabay inay ka shaqayso Midnimada iyo Wada jirka ummadda, waxaynu wada ognahay in Dalku maanta ku jiro xaalad adag iyo duruufo qalafsan oo ka madhan doorkii xukuumaddu ka qaadan lahayd, waxaa lumay maamulkii iyo hogaamintii ummadda oo meesha ka saaray nidaamkii dawladnimo, qabyaaladii ayaa qaangaadhay wax walba waxa lagu sargooyay ama (Base) looga dhigay reernimo, awoodii Dawladda waxaa gacanta ku qabtay koox maxaysato ah oo ka shaqeeya wixii dantooda ah oo kali ah, dhibaatooyinka maanta taagan waxaa keenay maamul xumo iyo hogaan la,aan, waxaa meesha ka baxay doorkii xukuumaddu ku lahayd hogaaminta dalka, waxaa xoogaystay reernimadii, waxaad maqlaysaa reer hebal baa waxaa sameeyay, reer hebal baa waxaa doonaya, reer hebal baa waxaa diiday, reer hebal baa waxaa dilay, reer hebal baa dagaal ku hanjabay.
Waxaa is waydiin mudan meeday dawladnimadii ? waxaa jira dad ku shaqaysta magaca qabiilka isagoo doonaya inuu dantiisa shakhsiga ah ku fushado, kuwaasi inta badan waxay soo xidhaan shaadh dawladeed kadib waxay soo dhex maraan qabiilka, way adag tahay in laga dhex arko ninka siyaasiga ah ee ka danbeeya waayo isagu wuu qarsoonyahay oo shaadhadh kale ayuu xidhanyahay, fashilka xukuumadda Ina Cagjar ayaa sabab u ah in dadku is dilaan, in reero lakala noqdo oo bulshada madaxa laysu galiyo, hadiiba ay bulsho meel wada dagani wax kala tabato ama ay wax isku qabato, xilka ugu wayni wuxuu saran yahay Dawladda iyo xukuumadda waqtigaa talada haysa oo ay tahay inay xaliso soona afjarto, balse hada taas badalkeedi xukuumadan Ina Cagjar iyadaa dabka shidaysa.
Fashilka iyo Rafashada haysata xukuumadda Ina Cagjar waxaa laga garan karaa ficilada uu samaynayo ee ay kow katahay:-
1. Waxaan xilkaqaadis iyo xadhigba isugu daray Hogaamadii Nabadgaliyada ee Degmooyinka Salaxaad iyo Raaso.
2. Qaar kamid ah baarlamaanka Deegaanka iyo xukuumadda oo uu laaluusho si uu ugu qanciyo in hadii ay isaga dhaafiyaan meesha ay keenaan Dr.Hussein Kasim sii uu isagu uga maamulo daaha gadaashiisa.
3. Odayaasha Deegaanka oo shir lala galo afurna loosameeyo kadibna qaar iyaga kamid ah si hoose lacag loosiiyo laguna dhaho waa inaad idifaacdaan si aan xukunka deegaanka usiihayo.
Deegaanku wuxuu u baahanyahay isbadal dhab ah, waxaynu u baahanahay qof daacad ah oo ummada ku dhaqi kara cadaalad iyo maamul wanaagsan, waxaynu u baahanahay qof karti iyo aqoon leh, maanta isku duubni iyo talo midaysan ayaynu kaga bixi karaa dhibaatooyinka jira iyo codkeena oo aynu u meel dayno inagoo aan eegayn qabyaalad iyo keebaad is xigtaan, Illaahay waxaan ka baryayaa inuu inoo dooro hogaan fiican oo dadka iyo dalkaba khayr u leh Idamka Alle.
W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)
liibanabdi29@gmail.com