War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in deeganada katirsan waqooyiga Soomaaliya lagu qabtay gaadiid nooca waaweyn oo lagala soo goostay dalka Ogadenia.

Maamulka Hargeysa ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gawaari ka timid dhinaca Ogadenia iyo dhalinyaradii waday. Maamulka Hargeysa ayaa sheegay in Gaadiidkaasi oo dhowr ah ay ku qabteen xaduudka ah ee togwajaale kuwaasi oo ay sheegen in lagala soo goostay dhanka gobolka Fafaan ee dalka Ogadenia.

Maxamed Muuse Diiriye oo ah Wasiir ku-xigeenka Amniga maamulka Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku hayaan afar gaari, halka kuwo kale lagu hayo deegan kale oo aan sidaa uga suu fogen togwajaale.

Wasiir ku-xigeenka waxa uu sheegay inaanu jirin sabab iyo cadeymo ay ku socdeen wadayaasha gaadiidka, balse ay jireen xogo muujinaayay in gaadiid lagala soo goostay Ogadenia, sidaana ay gacanta ugu dhigeen gaadiidka.

Waxa uu sheegay in gaadiidka ay yihiin kuwo maamulka uu leeyahay balse aanu jirin sabab muujineysa inay ku socdaan gaadiidka. Waxa uu sheegay Wasiirku in mamuulka Somaliland ee Jamhuuriyada Soomaliya ay adkeysay xaduudkeeda,isla markaana ay baaritaan ku hayaan gawaarida iyo dadkii ay qabteen.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.