Waxaa maanta magaalada Addis Ababa gaaray madaxda Jabhadda Oromo Liberation Front (OLF), wafddigani ayaa waxaa hogaaminayay gudoomiyaha Daud Ibsa oo muddo dheer dagaal kula jirta gumeysiga Itoobiya.

Wafdigga ayaa waxa ay isugu jireen golaha dhexe OLF iyo guddiga fulinta ee jabhadaasi. Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ku soo dhaweeysay wasiir dowlaaha wasaarada arrimaha dibadda ee xukuumadda gumeysiga Itoobiya.

Gudoomiyaha jabhada xoreynta Oramia ee OLF Dawud Ibsa oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka ayaa sheegay in dib u soo laabashadoo ay la xiriirto isbadalka siyaasadeed ee Itoobiya ka dhacay.

Gudoomiyaha jabhada xoreynta Oramiya ee OLF Dawud Ibsa Ayana oo wax laga waydiiyay waxa uu qorshahooda yahay ayaa sheegay in ay galayaan halgan ku dhisan wadahadalo iyo in halgamayaashooda la xareeyo islamarkana la baro anshaxa dowladnimo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.