Wasaarada Caafimadka ee Dowlada Federalka Itoobiya ayaa goor dhow sheegtay in qof kale helay cudurka Coronavirus.
Sida ay sheegtay wasaarada caafimadka 24 saac ee u dambeyay waxay baareen 993 qof, kadibna waxaa soo baxday In hal qof u qabo cudurka Coronavirus.
Kiisaska cusub ee Coronavirus oo laga helay gudaha Itoobiya, wuxuu keenay in guud ahaan dalka ka jirto 117 ruux oo cudurka laga helay, taas oo cabsi weyn ku dhex abuurtay dadka shacabka ah.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.