Jabhadda Gambella Liberation Front (GLF) oo dagaal muddo sanado ah kula jirtay Gumaysiga Itoobiya ayaa ku heshiish maanta la gadhaay dowlada Itoobiya

Xukuumadda Itoobiya ayaa si rasmiya u shaacisay in ay heshiis la gashay jabhadda hubeysan ee GLF oo muddo sanado ah dagaal kula jirtay kadib kulan oo labada dhinac ka dhex maray magalaada Asmara ee dalka Eritrea.

Ma’aha markii ugu horeysay oo Asmara ku kulmaan labada dhinac, hasse ahaatee heshiiska ay markan gaareen ayaa u muuqda mid soo gabagabeynaya wada hadallo waayadii ugu danbeeyayba u socday labada dhinac.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media