Maamulka magaalada Mandera ee gobolka NFD ayaa shaaca ka qaaday in Al Shabaab ay ka sifiyeen deegaanada maamulkaasi.
Taliyaha Booliska ee maamulka Mandera Olaka Kutswa oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guud ahaan ammaanka maamulkaasi uu gacanta ugu jiro Hay’adaha amniga.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ay dadka deegaanka ee maamulkaasi haatan ku naaloonayaan ammaan buuxa, kadib laba sano oo uu sheegay in Al Shabaab dad shacab ah ku dilayeen halkaasi.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Al Shabaab muddooyinkii dambe ay sare u qaadeen weerarada ay ka geystaan dalkaasi, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.