Tirada dadka qaba cudurka coronavirus ee Afrika ayaa gaarey 95,201, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Afrika ayaa ku soo warrantay.

In ka badan shan milyan oo dad ah oo ku kala nool daafaha dunida ayaa hadda la xaqiijiyay inay qabaan cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’, sida laga soo xigtay xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins.

In ka badan 328,000 oo qof ayaa ku dhintay adduunka oo dhan halka qaar 1.9 milyan oo qof ay soo kabsadeen.

Mareykanka ayaa diiwaangeliyay dhimashada ugu badan oo ah 93,439.

Waxaa ku xiga Ingiriiska oo leh 35,786, Talyaaniga oo leh 32,330, Faransiiska oo leh 28,135 iyo Spain oo leh 27,888.

In ka badan 100 canug ayaa si nabad ah ugu dhashay cisbitaal ku yaalla magaalada Mumbai ee Hindiya, hooyooyinka dhalay carruurtan waxay qabeen feyraska Korona balse carruurtaas lagama helin cudurka.

Labo kamid ah hooyooyinka ku umulay halkaas waxay u dhinteen cudurka, waxaa sidoo kale ka mid ah hooyo dhimatay iyadoo uusan dhalan canugeeda.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku soo warramey  106,000 xaaladood, oo ah tii ugu sarreysey maalin keliya, taas oo sare u qaadeysa welwelka laga qabo faafitaanka COVID-19 ee waddamada saboolka ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.