Sawir : Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan

Wararka laga helayo caasimada dalka ee magaalda Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Suuq Bacad ee degmada Yaaqshiid ka afduubteen Ganacsade caan ah.

Sida aan xogta ku helnay, kooxo hubeysan oo watay gaari ayaa mar qura kasoo boday gaariga iyagoo oo wato Qoryo iyo bistoolado kadibna xog ku kaxaysteen Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan sida ay Halgan Media u xaqijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Islamarkii kooxda wax afduubatay ayaa mesha kabaxsaday, iyagoo sii kaxeystay Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan. Ilaa iyo hada weli lama oga meesha loo kaxeeystay Ganacsade Xaaji Maxamed, sido kale waxana la ogeyn sababta loo afduubtay.

Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan ayaa la dhashay Abuukar Cumar Cadaan oo horey uga kamid ahaa hogaamiyasha ururka Maxkamadaha Islaamiga oo ka arimin jiray koonfurta iyo bartaamaha Soomaaliya.

          Sawir : Abuukar Cumar Cadaan

Dhinaca kale isla shalay, rag hubeysan ayaa afduubtay laba kamid ah ilaalada Guddoomiyaha Waaxda Afaraaad degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Halgan Media ayaa u sheegay in kooxo hubeysan oo kasoo degtay gaari cadaan ah oo muraayado madow, kadibna qoryo ku qabten labada ilaalo oo jidka tagnayeen, kadibna la baxsadeen.

Nimanka la afduubay ayaa la sheegay in ay ilaalo u ahayeen Maxamuud Xaashi Cali oo ah Guddoomiyaha Waaxda Afaraaad degaanka Garasbaaleey sida ay u xaqijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Qafasashada hubeysan ee loo geysanayo qayba kamid ah bulshada ayaa aad ugu soo badanaya magalaada Muqdisho iyo degaanada udhow, taas oo cabsi badan geliysay dadka rayidka ah.

Hoos Ka Daawo Muqaalka

Halgan Media