Warar hordhac ah oo gor dhow naga soo gaaray gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garanaynin ay xasuuq bahsan ka geysteen qayba kamid gobolkaasi.

Sida ay Halgan Media ugu soo waramayaan ilo wareedyo, kana mid ah dadka degaanka, kuna sugan tuulada Yaaqbariweyne ee hoostagta Dagmada Wanlaweyn, ay kooxo hubeysan oo aan heybtood la garanaynin ayaa tuulada ku dhex dilay ugu yaraan 6 qof, kadibna gobta ka baxsaday.

Dilalka kadib waxa tuulada Yaaqbariweyne soo gaaray ciidamada amaanka oo kasoo baxay dhanka degmada Wanlawayn, iyagoo islamarkii bilabay baritaano ku aadan dilalka loo geystay Lixda qof.

Weli ma cadda cida geysatay dilalka Iyo ujeeda ayka lahayeen, balse Tuuloyinka hoos taga degmada Wanlawayn waxa marar badan ka dhaco dagaal beleedyo, sido kale ciidamada Mareykanka Iyo kuwa Danab ayaa tacadiyo Iyo dilal ka geysto markii ay howlgallo ka fulinayaan aaga Wanlawayn.

Halgan Media