Wararka naga soo gaadhaya bariga gobolka Doolo gaar ahaan degmada Galaadi ayaa sheegaya in ku dhawaad boqol Geela ay ku dhinteen maalmaahii u dambeysay.

Ilo deegaanka ah ayaa Halgan Media u xaqiijiyay in 91 Geel ay u dhinteen cudur- aan la garanaynin, waxayna dhimashada u badnayd qabalaha Qaloocan, Dhudub, Baxdi iyo Labile oo katirsan degmada Galaadi.

Qabalaha Dhudub waxaa ku dhintay ugu yaraan 64 Geel sida ay sheegayaan ilo degaanka ah, inta kale waxay ku dhinteen qabalaha Hoos imaado degmada Galaadi.

Weli lama ogoa cudurka dilay Geela. Maamulka gobolka Doolo weli kama hadlin cudurka cusub oo lagu arkay bariga gobolka Doolo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.