Kumanaan shacab ah ayaa hoy ka dhigtay iskuulo ku yaalo duleedka magalaada Addis Ababa kadib markii dhawaan ay rabshado hareeyn degmada Burayo oo dhacdo Waqooyi Galbeed magalaada Addis Ababa.

Rabshada waxa ka dambeeyay dhalinyaro caraysan oo kasoo jeedo Oromada ayaa kusoo xoomay halkan degmada Ashwa Meda, weerar ayay nagu soo qaadeen, waxayna dhac u gaysteen ganacsigeena iyagoo ku qaylinaya “Ka baxa dhulkeena” Sidaas waxaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Xasan Ibraahim oo ah ganacasde kunool degmada Ashwa Meda.

Shacabka barakacay ayaa dowladda Itoobiya ka codsanayay inay ilaaliso ammaanka shacabka gaar ahaan qowmiyadaha laga tiro badanyahay kuwaaso sheegay in la bartilmaameedsaday.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media