Wararka naga soo gaaraya gobolka Fafaan ayaa sheegaya inay Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan qayba kamida gobolkaasi.

Sida aan xogta ku helnay, Liyuu Booliska ayaa saakay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka bilaabeen, kadibna ku daateen jidka isku xidho degmada Baabili iyo degaanka Ceel Baxay, sida ay sheegeen goobjoogayaal oo la soo Xidhiidhay idaacadda Halgan Media.

Islamarkii waxay Liyuu Booliska xidheen jidka isku xidho labada degmo, waxaana hada la xaqiijiyay dadka kusugan Ceel Baxay inaysan gaadhi karin degmada Baabili sidi ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Halgan Media ayaa la xariirtay maamulka gobolka Fafaan laakiinse jawaab kama helin, hase yeeshee wixii kasoo kordha kalasoco Halgan Media.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.