Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa maanta waxaa ay gaareen degmada Feerfeee oo ku taalla xadka Somali Galbeed iyo Jamhuuriyaada Soomaaliya.

Dhawaan waxaa Degmada Feerfeer ka dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed oo degmada feerfeer iyo degaannada hoostaga ada dega.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan iyo Xubno ka socda hoggaanka Nabadgelyada Somali Galbeed oo maalma ka hor feerfeer gaaray ayaa la filayaa inay kulan looga hadlayo xalinta dagaal beeleedkaas ku yeeshaan degmada Feerfeer.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona Odayasha Dhaqanka labada Beelood ee dagaalamay si xal looga gaaro dagaalada soo laab laabtay ee halkaasi ka dhaca.

Socdaalka guddoomiye jeeyte ee Feer Feer u ku tagay ayaa kusoo aadaya xilli hoggaanka nabad-galyada dowlad deegaanka u ku howlan yahay sidii u baaritaan dhab ah ugu sameyn lahaa sida ay ku bilaawdeen dagaal beeledyada.

Halgan Media