Iyada oo maalinba maalinta ka danbeeysa ay sii xumaanayso xaalada Amni ee galbeedka gobolka Sitti ee dhulka Somali Galbeed, ayaa waxa iyadana sii kordhaysa gumaadka lagu hayo shacabka Soomaalieeyd.

Wararka ka imaanaya  galbeedka gobolka Sitti ayaa sheegaya in ay maleeyshiyaadka Canfaarta weerar gaadmo ah ku qaareey degmada Cadayti ee gobolka Sitti.

Ilo waredyo ayaa sheegay inay maleeyshiyaadka Canfaarta laba meelood ka soo weerareen Degmada Cadayti. Shacabka Soomaalida ee ku sugaan degaanka ayaa iska difaceen maleeyshiyaadka Canfaarta oo Ku dushaay degaanka. Dhanka Somalida, ugu yaraan laba Qof ayaa Ku dhawaacmay.

Dadka dhawaacmay waxa la yiradha

  • Cabdullahi Waceeys
  • Bilaal Maxamuud Raage

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.