Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadeniya gaar ahaan dagmada Tuliguuleed ee gobolka Faafan ayaa waxay sheegaya in Maleeshiyaad hubaysan oo Oromo ah ay weeraro ku hayaan shacabka Somaliyeed ku dhaqaan degmada Tuliguuleed iyo tuuloyinka udhow.

Waxa socday gumaad xoogan oo ka dhan ah shacabka Somalida kudhaqaan xaduudka udheexeyo Ogadenia iyo dhulka Oromada, waxaana dabada ka riixaysa ururka OPDO oo gacaanta kuhaayo ismaamulka Oromada iyo xukuumada gumaysiga Itoobiya.

Maanta maleeyshiyaadka Oromada ayaa weerar kuso qadeen tuulada Walgo oo kamid degmada Tuliguuleed. Shacabka Somalida oo hubaysan ayaa iska ceeliyay maleeyshiyaadka Oromada oo marwalba garab kahelo ismaamulka Oromada iyo xukuumada federalka ee Itoobiya.

Dulaanka ay maleeyshiyaadka Oromada kusoo qadeen shacabka Somalida waay ku fashilmeen kadib markii ay Oromada kujabeen dagaalka. Ugu yaraan waxa la dhilay 3 ruux katirsan maleeyshiyaadka Oromada iyo kadib markii la dilay hubkood ayaa laga gurtaay.

Dhanka Somalida dagaalka waxa ku dhintay hal qof iyo mid kale oo dhawaac garaay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.