War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africom ayaa waxaa ay kaga hadleen duqeyn ay markale ka fuliyeen Gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Taliska  ayaa sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Caad ee Gobalka Mudug. Mareykanka ayaa xusay in duqeynta ay ku dileen 7 xubnood oo ka tirsan ururka  Al-Shabaab.

Labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa diyaaradaha mareykanka waxaa ay duqeymo ka fulinayeen deegaano ka tirsan Gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.