Dowlada Maraykanka ayaa qirtay in dad rayid ah ay waxyeello ka soo gaartay duqeymo dhinaca cirka oo ay sanadkii hore ay ka fuliyeen Soomaaliya.

Warbixin uu taliska Maraykanka ee Afrika (Africom) Isniintii uu soo saaray wuxuu ku sheegay duqeyntaasi lagu fuliyay degmada Qunyo Barrow ee gobolka Shabellaha Hoose iney ku dhinteen 2 qof oo rayid. ah 3 kalana ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin dadka rayidka ah ee ku dhimatay duqeyntaas, iyadoo la tilmaamay in dhimashada iyo dhaawaca ay ka dhasheen goob Al-Shabaab ku keydiyaan hub iyo waxyaabaha qarxa oo bartilmaameedku ahaa, looguna tala galay in kagu burburiyo.

Warbixinta Mareykanka ayaa meesha looga saaray illaa 20 sheegasho oo ku saabsan duqeymo dad rayid ah lagu dilay oo markii la baaray lagu ogaaday in aysan xilliyadaas wax howlgalo laga fulin Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kala soco Halgan Media.