Abdi Regassa oo ah xubin katirsan Jabhada OLF ayaa maanta la soo taagay maxkamad, asaga oo ku eedeysan dil loo geystay masuul sare oo u qaabilsan hayada amaanka sida ay sheegtay idaacada BBC ee laanta Oromada.

Bil iyo bar ka hor ayey aheed markii ay dablay hubeysan Solomon Tadesse ku dhex toogteen maqaaxi ku taallo degmada Burayo oo ku tallo duleedka magalaada Addis Ababa lakiin hoos timaada Ismaamulka Oromada, Solomon Tadesse ayaa xiligasa ahaay shakhsiga u qaabilsan hayadaha amaanka ee degmada Burayo.

Ciidamada amaanka ayaa dhowr maalmo kadib ku xiray magaalada Addis Ababa Abdi Regassa iyo 5 masuuliyiin kale oo katirsan Jabhada OLF, 5ta kale waa la sii daayay lakiin Abdi Regassa ayaa dusha laga saaray inuu lug ku lahaa dilka loo geystay Solomon Tadesse, kadibna maxkamad La soo taagay sida ay wararka u dhigeen idaacadda BBC ee laanta Oromada.

Weli ma cada in Abdi Regassa lug ku lahaay dilka loo geystay Solomon Tadesse lakiin waxaa la ogaa in ay xiisadu u dhaxeesay Dowlada Federalka Itoobiya iyo Jabhada OLF weji cusub yeelatay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.