Warar lagu kalson yahay oo aan Ka helnay gudaha Ogadenia aya shegaya in Militariga Oramadu ay werar kuso qaadeen magalada Qubi ee kutaala Gobalka Nogob.

Sida aay Dadka rayidka noo sheegen Militariga Oramada ee soo weeraray aya magacooda lagu shegay in la dhoho ”Liyuu Hail” kuwaas oo ah qayb kamid ah Militariga gaarka ah ee Gobalka Oromada.

Sida ay shegayan dad goob joogayal ah Militariga Oromada aya dhaawac ugaystay wiil somali ah Halka ay Geeliisii oo 200 oo neef gaaraya ay Ka dheceen.

Halgan Media oo raadisay xog dheerad ah aya Waxay soo ogaatay in wiilka lagu dawaynayo Isbitaal ku yaala magalada. Wilka la dhawacay aya magaciisa la yirahda Maxamed Ilyas.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media