Xisbiga Tigray Democratic Party (TDP) oo kamid ah xisbiyada mucaaradka ee qoomiyada Tigreega ayaa ka codsaday Dowlada Federalka inay wax ka qabtan doorashada ka dhici doonto degaanka Tigreega, iyagoo oo Ku tilmaamay mid sharci darro ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Aregawi Berhe oo ah Guddomiyaha xisbiga TDP oo la hadlay warbaahinta Ethiopian News Agency (ENA) ayaa sheegay doorashada ay kooxda TPLF ku qaban doonan degaanka Tigreega ay tahay mid ka baxsan nidaamka Dimokratika (Democracy).

Isago hadalkiisa siiwatana wuxu raaciyay inay kooxda TPLF “dab ayey ku dheelayan, waxeyna dalka uhorseedayan qalalaase dagaal”.

Mucaarad badan oo kasoo jeedo qomiyada Tigreega oo garab ka helaya dowlada federalka ayaa wada isku dey walba oo fashilin kara qabsoomida doorashada ay qaban doonan kooxda TPLF.

9ka biisha September ayey kooxda TPLF qaban doonan doorashada heer deegan, taas oo ay dad badan amiinsan yihiin inay kooxda TPLF ku dhawaaqi doonan madaxbanaani, taas oo jiritaanka Itoobiya halis gelineyso.

Halgan Media.