Ilaalada xeebaha dalka Spain ayaa sheegay in ugu yaraan 17 qof oo tahriibayaal Afrikaan ah ay 24-kii  saacadood ee ugu dambeeyay geeriyoodeen ka dib markii ay isku dayeen in ay ka gudbaan Badda u dhaxeysa Waqooyiga Afrika iyo xeebta Spain.

Ilaalada Xeebaha Spain  ayaa sidoo kale sheegay in ay arkeen Labo Doomood oo marayay inta u dhaxeysa xeebaha Iberian Peninsula iyo Morocco, waxaana saarnaa doomahaasi ku dhawaaad 80 Qof waxeyna intaasi ku dareen in Mayd ahaan ay ugu tageen 13 Ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa doomahaasi.

Bilowgii sanadkaan aan ku jirno in ka badan 47 Kun  oo Muhaajirin ah  ayaa ku safrey xeebaha u dhaxeeya Afrika iyo Spain waxaana ku dhintay in ka badan 600 Ruux  sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM).

Muhaajriinta dooneysa in ay u gudbaan dadalka spain iyo Yurub ayaa mara dhibaatooyin badan wallow qaar ka mid ah dowladaha Yurub ay wax ka badaleen qaabka ay u maareyn lahaayeen Muhaajiriinta magan galya doonka ah.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.