Wararka nagasoo gaadhaya dalka Mareykaan ayaa sheegaya Is-rasaaseyn ka dhacdey xaley magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa la sheegayaa in hal qof oo Soomaali uu ku dhintey mid kalena uu dhaawac culus soo gaarey, sida ay sheegeen madaxda jaaliyadda.
Booliiska ayaan illaa iyo hadda sheegin waxa keeney is-rasaaseyntaas. Afar wiil oo dhalinyaro ayaa loo qabtay dilki xalay kadhacday magalaada Columbus.
Marxuumka la dilay weli magaciis lama sheegin. Ma ahaan markii ugu horaysay ee dil noocan oo kale ka dhaco dalka Mareykaan, balse waxa marar kala duwan dhacay dilal dhalinayrada Somalida ay isu gaysteen iyo kuwo dadyawga kale ee ajaaniibta.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.