Wararka nagasoo gadhaay gobolka Fafaan ayaa sheegaya inuu shir dhib uheshiisiin ah oo kasocdo tuulada Marar oo katirsan degmada Tuliguuleed.
Shirka waxaa ka qayb galaay Ugaaska beesha Geri Koombe iyo Qomiyada deriska loo yaqaano Oromada oo la safaan qayb kamid Sarakiisha ciidamada Itoobiya ayaa joogay goobta oo shirka ka dhacay siidi ay sheegan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Sedaxda sano udhambayaay dagaal xoogan ayaa kasocdo xaduudka udheexeyo Ogadeniya iyo gobolka Oromada gar ahaan dhanka Tuliguuleed iyo agagarkeed. Shirka maanta lagu qabtay tuulada Marar waxa la rajayna in xal loo helo colaada udheexeyo laba qomiyod ee Somalida iyo Oromada.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.