Waftii kasocdo gobolka Oromada ayaa maanta gadhaay magalaada Assosa ee caasimada Gobolka Benshangul siidi ay ka Qayb galay shir looga hadlayo nabadeynta Qomiyadaha degan xaduudka u dhaxeeyo labada gobol (Oromada Iyo Benshangul)

Shirkan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xiisadaha ku soo noq noqday xadka Benshangul iyo Oromada sida looga hortagi karo.

Waxaana ka qeyb galaya shirka mas’uuliyiin iyo waxgaradka ka kala socota maamullada Oromiya iyo Benshangul. Xiisada u dhaxeeyo Benshangul iyo Oromada ayaa muddooyinkii dambe kacsan kadib markii 4 masuul katirsan gobolka Lagu dilay weerarka dhacaday gobolka Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.