Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa Maanta markii ugu horeysay ay martgelineysaa,isla markaana lagu qabanayaa  Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda in ka badan 15 wadan.

Shalay Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi hordhac u ah wufuud kala duwan oo ka socota Wadamada Islaamka oo Maanta la filayo inay soo gaaraan Magalada Muqdisho si ay shirkaasi uga qeyb galaan.

Shirarkii 44aad iyo 45aad ee Wasiirada arrimaha Dibada Ururka Iskaashiga Islaamka ee lagu kala qabtay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh ayaa horay loogu go’aamiyay in shirkaasi lagu qabto Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka,Danjire Hishaam Yuusuf ayaa sheegay in muhiimada shirkaan uu yahay taageerida Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo baxeysa dhibaatooyin horay u soo maran,isla markaana ay tusayaan inay garab taagan yihiin oo ay wax la qabsanayaan.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah dalalka Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE, Yemen.