Wararka naga soo garayo magalaada Gaalkacyo ee xaruunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Mamuulka Galmudug ay shirkada Golis ka mamnucday Koonfurta magalaada.

Sida lagu soo qoray wareegto kasoo baxay Wasaarada tamarta Iyo khayradka mamuulka Galmudug, waxaay gebi ahaanba shirkada Golis laga mamnuucay Koonfurta magalaada Gaalkacyo Iyo in ay joojiyan adeega Korontada madaama ay heysan wax ruqsad ah sida ay hadalka u dhigeen

Shirkada Golis weli kama jawaabin go’aanka kasoo baxay mamuulka Galmudug oo Ku aadan ariimahan.

Hoos ka akhriso bayanka kasoo baxay Mamuulka Galmudug.