Ururka Al-shabaab ayaa weerarro ay ka fuliyeen gobolka NFD,  sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen, waxaana weerarkan uu qayb ka noqonayaa weerarro hore oo sidan oo kale ay kooxdu uga fulisay gudaha gobolka NFD.

Wararka hore ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay waddo u dhexeysa Yunbis iyo Gaarisa, waxayna kooxdu sheegtay inay ku weerartay gaadiid ay lahady Qaramada Midoobay, iyagoo gubay mid ka mid ah labadii gaari ee ay weerartay.

Dhinaca kale, ururka Al Shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen tuulada Sinow oo hoostagta  degmada Mandheera, waxaana weerarkaas ay Al-shabaab sheegteen inay ku dileen saraakiisha ciidamada Kenya ee ka hawl-gala gobolka NFD.

Weerraradaan weli kama hadlin saraakiisha ciidamada Kenya, balse waxaa inta badan gobolka NFD weerarro ka fuliya Maleeyshiyaad ka tirsan ururka Al Shabaab.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.