Waxaa maanta oo Arbaca ah magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan kaqabsoomay Shir balaadhan oo ay soo abaabuleen Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO).

Kulankan oo ahaa mid aad muhiim u ah ayaa ka Qabsoomay Xafiiska Unugta JWXO ee magaalada Jigjiga, waxaana shirka lagu casuumay qaar kamid ah madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) iyo xubno kasocday Xafiiska Unugta JWXO ee Gobolka Faafan.

Ugu horaynba kulanka ayaa lagu furay wacdi diini ah oo aad uqiimo badan, kaas oo kasoo qayb galayaasha lagu xasuusiyay in aysan ka waswaasin halgankii dheeraa ee lagu xoraynayay shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia, kaas oo sida uu sheekhu sheegay wali usocda habkii loogu talagalay.

Intaas kadib waxaa lagusoo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO) halgame Sh Xassan Raage, wuxuuna sheekhu siwayn uga warbixiyay aas’aaskii Ururka UCSO iyo marxaladihii uusoo maray mudadii uu jiray oo laga soobilaabo sanadkii 2015.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa tilmaamay qorshayaasha Ururka UCSO, kuwaas oo ladoonayo in laga hirgaliyo gudaha Wadanka Ogadenia iyo dibadaba.

Sidoo kale waxaa lagusoo dhaweeyay Sh Cabdiraxmaan Sh Maxamed oo kamid ah Gudiga Fulinta ee Ururka Culimada, wuxuuna Sheekhu xubnaha Ururka UCSO iyo guud ahaan xubnaha JWXO ku guubaabiyay in loodiyaar garoobo kaalinta ay culimadu leedahay si loogaadho hadafka guud ee umadu ay higsanayso.

Sidoo kale halgame Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay qorshaynayaan shirwayne looqabto Ururka Culimada, kaas oo sida uu Sheekhu sheegay ka dhici doono gudaha Wadanka Ogadenia hadii Alle Idmo.

Dhinaca kale waxaa lagusoo dhaweeyay Sh Maxamed Suldaan Axmed Cabdile oo kamid ah madaxda UCSO, wuxuuna Sheekhu iftiimiyay ujeedada rasmiga ah ee Ururka Culimadu uu u dhisan yahay wuxuuna Sheekhu xusay in Culimadu ay wax badan qabatay wax badana uu udhiman yahay.

Intaas kadib waxaa lagusoo dhaweeyay Halgame Cabdikariim Sh Muuse iyo Halgame Maxamed Ibraahim Mursal oo labaduba kamid ah Gudiga Fulinta ee JWXO, waxayna labada Hogaan bogaadiyeen Ururka Culimada Ogadenia oo runtii qabtay howlo muhiim ah.

Hogaamada ayaa si isku mid ah ubogaadiyay howlaha Ururka UCSO, waxayna hogaamadu balan qaadeen in ay lashaqaynayaan Ururka Culimada siwayna u garab istaagayaan iyagoo wakiil ka ah madaxda sare ee JWXO.

Sidoo kale waxaa kaalintiisa lasiiyay Gudoomiyaha OYSU Ogadenia halgame Cumar Sooya, oo kamid ahaa xubnihii soobilaabay Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia OYSU, Isla markaana khibrad dheeri ah leh.

Halgame Sooya ayaa Culimada utilmaamay habka ay ururadu utaaba galaan, isagoo sheegay in uu doonayo wada shaqayn dheeraad ah oo dhex marta Ururada OYSU iyo UCSO.

Gabagabadii kulankii Culimada Soomaalida Ogadenia ee kaqabsoomay Xafiiska Unugta JWXO ee magaalada Jigjiga ayaa kusoo dhamaaday si nabad ah, waxaana loobalamay kulamo kale oo qabsoomi doona hadii Alle Idmo.

Xigasho : Ogaden News Agency (ONA)