Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Zakiya Xuseen ayaa barteeda Twitterka ku shaacisay inuu xabsigii uu ku xirnaa Hayada Nabad Sugida ee NISA ka baxsaday Wasiirkii Amniga Mamuulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan.

Taliyaha ayaa sheegtay inay ciidamada Ammaanka ku raad joogaan Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday halkii ay ku xirtay Dowladda Soomaaliya, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin qaabka oo u baxsaday.

Wasiir Janan ayaa la rumeysan yahay inuu ku xirnaa Xabsi ku yaalla xarunta NISA oo shan maalmood ka hor loo soo wareejiyey isaga oo laga soo saaray xabsiga dheexe ee magalaada Muqdisho.

Bishii August Sanadkii 2019 ayey aheyd markii Wasiir Janan laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde markaas oo uu safar u ahaa dalka Itoobiya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco shabakada Halgan Media.