Wararka naga soo gaadhaya dalka Canada gaar ahaan magaalada Ottawa ayaa tibaaxaya in Booliska magaalada Ottawa ay raadinayan nin wajiga soo duubtay oo aan haybtiisa la garanayniin, kaas oo sakaay toogasho ku dilay muwaadiin Soomaaliyeed.

Waxaana marxuumka magaciis naloo sheegay Maxamed Xassan. Waxaa intii mudo ah kusoo badanayay dilalka iyo weeraro dhimasho iyo dhaawacba gaystay oo ka dhacay meelo kamid ah dalka Canada.

Dhalinyarada Soomaalida ee ku dhalatay ama ku barbaartay wadamada Qurbaha ayaa qayb wayn ka qaatay fal-dambiyeedyo badan oo ka dhacay qaaradaha Yurub iyo Waqooyiga America.

Halgan Media.