Wararka Halgan Media kasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gar ahaan magalada Moyaale ee gobalka Libaan ayaa sheegaya in dhibaato laxaad leh ay kajirto degaankaasi.

Weeraro isdaba jooga ayaa shacabka somalida ee Moyaale kagaga imaanaya dhanka maleeshiyaadka oromoda oo iyagu raba inay tir tiraan shacabka somaliyeed oo ku nool magalaada. Dhimashada ayaa maraysa 13 qof halka dhaawucu gaadhayo 25 qof oo caruur haween iyo dad waawayn isagu jira.

Weli mamuulka Mustafa Cagjar kama ayna hadal dhibka kataagan Moyaale. Sidoo kale xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaana wali wax hadala lagahayn dhamaantoodna waxay umuuqdaan kuwa kagaabsaday dhibka kajira Moyaale.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.