Wararka laga helayo magaalada Mooyaale ee dalka Ogadenia ayaa ku waramaya in weli halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeysa shacabka Somalida iyo maleeyshiyaadka Oromada.

Ku xigeenka madaxa xafiiska xariirka ee mamuulka Jigjiga Surewe Maxamed oo lahadlay wakaalada wararka Ethiopia ee ENA ayaa xaqiijiyay in dagaalladii ugu dambeeyay ay ku Geeriyoodeen illaa iyo 21 Qof , halka ay ku dhaawacmeen 61 kale.

Sidoo kale waxa u u tilmaamay in haatan ay socdaan wadahadallo ay qeyb ka tahay xukuumada Abiy Ahmed, kuwaas oo looga arrinsanayo xiisadaasi.

Muddooyinkii dambe magaalada Mooyaale ayaa xasuuq bahsan kasocday kadib markii ay maleeyshiyaadka Oromada weeraren Shacabka Somalida oo waxba galabsanin.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.